Siirry sisältöön
Turun seudun joukkoliikenne

Wade ahaan gaadiidka Föliga

Horey sii fiiri - kaalay noqo wade Föliga ah. Föli way kuu baahan yihiin adiga - waxaanu u baahanahay sanadka 2025 inta laga gaadhayo in ka badan boqol wade oo cusub!

5 sababood oo aad wade ku noqoneysid

  • Mushahar lagu tartami karo
  • Waxbarasho aad dhakhso xirfad ugu yeelaneysid
  • Shaqo aad iskaa macaamiisha ugu adeegeysid
  • Shaqo rasmi ah
  • Shaqo muhiim ah oo bulshada: waduhu wuxuu u fidinayaa qaab masuulnimo ah inuu u wado una caawiyo horumarinta mustaqbalka dhinaca sii cagaaran.

Maxaa looga baahan yahay wadaha?

Markaad wadeysid ma tahay  wade deggan oo foojigan sidoo kale si wanaagsan ula dhaqmi kara dadka kala duduwan ? Haddii aad ku jwaabtey “haa”, waxaad leedahay astaamaha, kuwa kaa dhigaya gaadiid wade wanaagsan oo - Föliga ah. 

Shaqada wadaha basasku waashaqada u adeegidda macaamiisha ee ugu wanaagsan. Föli l’aantii wadayaal badan oo iskuulada ah, tukaamada tagitaankiisa iyo goobaha caafimaadka tagitaankoodu waxay noqon lahaayeen tagitaan la’aan. Wade markaad tahay waxaad sidoo kale marar badan noqoneysaa wejiga ugu horeeya iyo kan ugu dambeeya, ee ay rakaabku la kulmayaan.

Shaqady waa masuulnimo ah oo macno sameyneysa. Waduhu marka uu qaado waa dad, sidaas awgeed waxaa laga rabaa shaqadiisa aqoon xooggan  iyo sidoo kale  ammaan iyo adkeyn lagu kalsoon yahay.

Mushaharka iyo xilliyada shaqada

Mushaharka

Mushaharka wadayaashu waxay u dhexeeyaan iyadoo aynan gunadu ku jirin 2664 - 2924 yuuro. Gunooyinku waxay kor u qaadaan musharka, sababtoo ah habeenka- iyo xilliyada dhammaadka todobaadka waxaa laga helaa guno wanaagsan,  

Xilliyada shaqada

Heshiiska shaqadu sida uu dhigayo wadaha ugu badnaan 11 saacadood ayey xilliyada shaqadiisu ku sidhan yihiin.

Liiska mushaharka iyo xilliyada shaqadu xadka shuruudaha waxaad ka heleysaa heshiiska shuruudaha ee shaqada linkigan hoos ku qoran.

Waxbarashada, takhasuska iyo codsashada

Si aad ugu howlgali kartid wadaha- Föli, waxaa muhiim ah:

  • dabci wanaagsan
  • Liisanka wadista ee darajada - D.
  • Takhasuska xirfadada ee wadaha basaska
  • shaqada xirfadaha luqada ee looga baahan yahay. 

Digniin! Si aad ugu shaqeysid wade ahaan xirfadeysan oo gaadiidka ah, waxaad u baahan tahay ii liisanka waditaanka dheer wadaha - gaadiidka basaska xirfadda takhasuskooda.

Waxay diyaariyaan waxbarashada xirfadaha ee gaadiidka

Naadiga hufnaanta shaqada (TTS)

TTS naadiga hufnaanta shaqada ry waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee gadiidka- iyo logistikada- xirfadooda barayaashooda Finland. Naadiga hufnaanta shaqadu waxay bartaa sanad walba ilaa iyo 7000 oo ardey oo xirfado kala duduwan ah, kuwaas oo ilaa 600 oo shaqsi ay diyaariyaan xirfadlayaasha gaadiidka waaweyn iyo kuwaas oo meelahaas 200 ay kaga sii takhasusaan wadayaasha gaadiidka basaska. Waxbarashooyinkaan waxaa mar walba lala qorsheeyaa shikadaha ama baahida shaqsi ahaaneed mid ku habboon.

Si toos ah ula soo xidhiidh machadka, kaas oo lagula ogaanayo waxbarashada loo baahan yahay iyo sidoo kale qaab waxbarasheedka adiga kugu habboon.

Fiiro naadiga hufnaanta shaqada iskuuladooda linkiga gadaashiisa.

Ammatti-instituutti Turku

Ammatti- instituuttiga Turku waxaad ka baran kartaa wadaha gaadiidka basaska. Logistikada waxbarashadeeda aasaasiga ah waxaa lagu diyaariyaa sidoo kale iskuulada maalintii iyo fiidkii.

La soo xidhiidh ammatti-instituutti Turku. (Avautuu uudessa välilehdessä)

Fiiro ammatti-instituuttiga Tuku waxbarashadiisa linkigan hoose gadaashiisa.

Waxbarashooyinka xafiiska shaqada ee furan

Xafiiska shaqadu wuxuu u diyaariyaa kuwo shaqo la’aanta ah ama shaqo la’aantu ku soo dhacayso ee shaqooyinka dalbanaya iskuulada xafiiska shaqada ee xirfadaha waditaanka. Waa laguu dooran karaa iskuulada xafiiska shaqada, haddii aad tahay shaqo dalbade shaqo la’aan ama shaqo la’aan noqoneysid, aadna u baahan tahay waxbarasho.  
 
Ka fiiri waxbarashooyinka shaqooyinka furan ee xafiiska shaqadu diyaariyaan linkigan gadaashiisa. Haddii aad ka qabtid su’aalo waxbarashooyinkan, waxaad ka heleysaa xidhiidhka warbixinaha ee waxbarashooyinka qoraalada soo muujintooda.

Miyaad leedahay adigu takhasus xirfadeed? U dalbo si toos ah shaqada!

Dhammaan wadayaasha- Föli waxay ka sheqeeyaan dhinaca tartanada Föli kuwa loo doorto dhinaca gaadiidkooda, oo aan Föli ahayn “kuwooda” wadaya. Haddii aad adigu haysatid liisanka waditaanka - D da iyo takhasuska wadenimada, waxaad warsan kartaa fursada ku shaqeynta wadenimada- Föli si toos ah u wadistooda, kuwaas oo warbixintooda laga helayo linkiga gadaashiisa.

Liisanka

Si aad wadid gaadiidka basaska waxaa lagaaga baahan yahay liisanka- D da waxaadna ku diyaarin kartaa iskuulada waditaanka lagu barto, machadyada ama heshiiska shaqo ku barashada. 

Haddii aad adigu haysatid liisanka gaadiidka shaqsiga ee (B), waxaad buuxin kartaa darajada liisanka waditaanka, dhakhso ayey noqoneysaa. 

Linkigan hoose ee liisanka waditaanka- D da xubnaha qorsheynaya:

Naadiga hufnaanta shaqada  (Waxay ku furmeysaa baalka dhexe ee cusub)  (Avautuu uudessa välilehdessä)

Ammatti-instituutti Turku (Avautuu uudessa välilehdessä)

Waduhu wuxuu noqonayaa inuu luqadda finnishka wax ka yaqaano

Wadaha- Föli shaqadeedu waa shaqada u adeegida macaamiisha. Waxaa kaa hor iman kara marxalado, uu tusaale ahaan cunnug yar ama qof waayeel ahi kaaga baahdo caawimaad ama talo.  Sababtaas awgeed waduhu wuxuu noqonayaa mid u yaqaana luqadda finnishka si lagu qanacsan yahay. 

Xirfadaha luqadaha kale mar walba waa kordhin: waxaad sameyn kartaa inaad ku saameysid rakaabka kula hadlidda luqadiisa hooyo - haddii ay doonto ha noqoto xataa luqadda iswidhish ama farsiga!  

Ma doo neysaa wade inaad noqotid? Waxaa liiskan ku soo diyaarinay fursadaha marinada kala duduwan ee takhasuska wadaha iyo xirfadahooda.

Doorashada 1.aad: Liisan waditaan la’aan, Kaadhka - D ama takhasuska

1. Diyaari kaadhka - B da

2. Diyaari kaadhka D da

3. Raadso takhasusha

4. Dalbo shaqooyinka wadayaaahsa!

Doorashada 2.aad: Kaadhka b da, laakiin aan haysani kaadhka - D ama takhasuska

1. Dhameystiro liisankaaga darajada D da

2. Raadso takhasusha

3. Dalbo shaqooyinka wadayaaahsa!

Doorashada 3.aad: Kaadhka- D da, laakiin aan lahayn takhasuska

1. Raadso takhasusha

2. Dalbo shaqooyinka wadayaaahsa!

Doorashada 4.aad: Kaadhka D da iyo takhasusuka waa la helayaa, laakiin shaqo ma haysto

1. Ka dalbo shaqada - ula xidhiidh si toos ah hawlwadeenada wadayaasha